Badbaadi Maalka Qoyskaaga

Badbaadi Maalka Qoyskaaga

Tallooyinka Degdega ah

Xaashadaha Xaqiiqda

Kheyraad Dheeri ah

FEMA iyo Machadka Smithsonian waxey si wadajir ah u kafaalo-qaadaan Unug Shaqo Qaran ee Arrimo Degdeg ah ee Hidaha ah, bah ka badan 60 ururo adeeg qaran ah iyo hay'ado federaal ah loo abuurey iney ka ilaaliyaan hidaha dhaqanka saameynada waxyeelada leh ee musiibooyinka dabiiciga ah iyo amuuraha kale ee degdega ah.

Unuga Shaqo wuxuu bixiyaa hagitaanada soo socda si uu kaaga caawiyo inaad maalka qoyskaaga kasoo-kabsatid musiibo.

Tallaabooyinka Lagu Badbaadiyo Maalka Qoyskaaga

Iyadoo la yeelanayo duqlqaad yar iyo ficil degdeg ah, badbaadinta sawiraan, waraaqooyin, farshaxanno iyo agabyada kale aan la bedelli kari ee muhiimka ah ayaa macquul ah. Ficiladan talaabo-talaabada ah ayaa kaa caawin doona xasilinta agabyadaada maalka ah waxeyna kuu suurtagalinaayn inaad wakhti heshid aad ku samayso go'aan cilmiyeysan ee ula dhaqan dheeri ah iyo gacan-ku-dhigista walxaha qoyskaaga muhiimka u ah.

  1. Mudnaan sii: Waxaa laga yaabaa inaadan awoodin inaad badbaadisid waxwalbo, sidaa darteed diirada saar waxa muhiimka kuu ah, ama ha ahaadaan taariikh, lacag, ama sababo caadifaad ah dartood.
  2. Boos Abuur: Kala-bixinta waxyaabaha si aad ukala shaandheysid waxey qaadaneysaa boos weyn! Ahoow qof hal-abuur leh: si degan sawirada ugu dheji leemanka dharka, ka abuur leexo qalalsan balbalad balaastik ah lagu kooleeyey inta u dhaxeysa laba miis, ku xir goobaha bannaan is-dulsaar wax-qalajiya iyadoo tiirarka lagu wareejiyo shabaq ee dahaar beebna la saaro taageero dheeri ah si loo siiyo.
  3. Si Taxaddir leh u Qabo: Isticmaal taxaddir ballaaran markaad gacanta ku qabaneysid hanti-soo-jireen ah, taas oo noqon karta mid jilicsan markay qoyantahay.

Tallooyinka Degdega ah

U-qalajin si tartiib ah ayaa ugu fiican dhammaan maalka aad leedahay - gudaha haku jiraan, jarkay macquul tahay. Timo qalajiye, feero, foorno, oo muddo dheer qorax loo bandhiga waxey ku samaysaa waxyeelo aan la kaabi karin. Ku kordhi hawada gudaha soo gasha marwaaxyado, daaqado furan, hawo bedelayaal, iyo huurayaal.

Sawirada, waraaqaha, buugaagda, iyo dharka waa in barafeeyaa haddii ku aadan qalajin karin 48 saacadood gudahooda. Ku xir sheyaasha bacda qaboojinta oo geli qaboojiye aan baraf-dhalinin oo la geeyo heerkulka ugu hooseeya ee macquulka ah.

Sawirada

  • Waliga hakala jeedin sawiro qoyan iyo baniikalahooda oo isku dhegan.
  • Haddii wakhtigu kuu saamahayo, ka qaad sawir sawirkaaga si aad u keydisatid nuqul dijitaal ah.
  • Ku nadiifi sawirada si taxaddir leh adigoo ku raacinaya biyo degan, haddey yaalaan, ama biyo nadiifi ah haddii aadan heli karin biyo degan.
  • Hawada ku qalaji sawirada adigoo saaraya shaashad balaastik ah ama warqada musqusha, ama adigoo ku waraya gees iyadoo la isticmaalo gaanjoyinka balaastikada ah ee dharka.
  • Ha u oggolaan in sawirku oogad kale is taabtaan inta uu qalalayo.

Kheyraadyo PDF oo Dheeri ah

Buugaag

  • Haddii aad qabtid buugaag ku jirey biyo bullaacad-wasakheysay, waxey khatar ku yihiin caafimaadkaaga. Hoor ama la tasho waano kala tasho ilaaliye xirfadeysan.
  • Saar jaakadaha boorka leh si gooni ugu qalalaan.
  • Geli waraaqaha musqusha inta u dhaxeysa bogaga qoyan ee buugaagda.
  • Buugaagda qeyb ahaan ka qoyan, haddii buugaagdu dhooqa yaaleen, mirar, ama biyo cusbo leh, raaci buugaagda, marba mid, baaldi ama biyo tuubo oo nadiif ah, adigoo buuga si adag iskula qabanaya markaad galineysid

Kheyraadyo PDF oo Dheeri ah

Dukumintiyo, Daabacado iyo Waraaqo

  • Ka saar farshaxanada iyo daabacadaha fareemada.
  • Hawada ku qalaji haddii aad qabtid dhowr dukumintiyo iyo waraaqo qoyan oo keliya, ama haddii aad leedahay goob kuugu filan ee aad hawad ugu qalajiso dhammaan sheyaashaada.
  • Hawada ku qalaji xaashiyaha xabad-xabadka ah ama gabalada yaryar ilaa rubuc inji la dheerar ah.
  • Dukumintiyada ayaa barafoobi kara haddii aad leedahay dhowr shey ee hawada liskula qalajiyo. Wuxuu qaadan karaa nidaamkan dhowr todobaadyo ilaa dhowr bilood.

Kheyraadyo PDF oo Dheeri ah

Xaashadaha Xaqiiqda

Markay noluluh quusiyaan daadad, duufaano, dabeylo ama dab, walxaha maalka ah sida soo-jireenka qoyska, sawirada iyo xasuusaha ayaa noqda kuwo la jecleysto. Unuga Shaqo Qaran ee Arrimaha Degedega ah ee Hidaha ayaa siiya hagitaano aasaasi ah ee laga helo ilaaliyeyaal xirfadeysan kuwa raadinaya - iyo helid - maalka qoyska iyadoo burburku muuqdo.

Kadib Dabka: Waano lagu Badbaadiyo Maal Qoys ee Waxyeeloobay

Kadib Daadka: Waano lagu Badbaadiyo Maal Qoys ee Waxyeeloobay

Badbaadinta Soo-jireen iyo Agabyo Muhiim ah ee Qoys ay Biyo-Waxyeeleeyeen

Kheyraad Dheeri ah

Tani iyo 1995, Unuga Shaqo wuxuu siinayey shakhsiyaadka iyo bulshada dhaqanka - matxafyada, maktabadaha, xusuus-keydiyaasha, ururada farshaxanka, xafiisyada diiwaanda iyo kuwo badan - hagitaan iyo gargaar farsamo kahor, inta lagu jiro iyo kadib musiibo.

Hanti kheyraad ayaa ka jirta mareegta Unuga Shaqo, ay ku jirto kuwa soo socda:

Wixii macaluumaad dheeri ah oo ku saabsan ilaalinta hidaha dhaqanka oo halis ku jira ama saameysey musiibooyin - gudaha Mareykanka iyo dibadadba - booqo mareegta bahdeena, Hindisaha Badbaadinta Dhaqanka ee Smithsonian.

La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay